AXMED CALI DIGAAL & HEESTII " ILKAHEEDA DHUUXA, INDHAHEEDAN DHAYDAA, DHABANKEEDA CURUBTAA TOP MUSIC
Ilkaheeda dhuuxaa
indhaheedan dheeydaa
dhabankeeda curubtaa
suniyaha bildhaladkiyo
sida qaanso lagu dhigey
Timaheedan dhuxushaa
badhkood dhaafey dhabarka
badhna soo dhaceenee
laydhu ay ku dheeshiyo
midabkeeda dhiinkaa
Mawaagoo dhalaaleybaa?
ma dhibic seermawaydaa?
ma dhalaan la jecelyaa?
ma xaley ubax dhashoo?
dhagaha fidiyoo?
ka dharqaadey xareedoo?
dharabkii ku yaalbaa?
Sida dhoolka guga oo
dhudhubihiyo kaymaha
dhawr beri ku hooroo
dhirtii wada magooshoo
saacii wada dhalaaley
Rahu fiid dhawaaqoo
Roob-ladhacu dhexmaaxoo
baalaleydu hadba dhinac
isu kala dhigeysaad
qalbiga uga dhigantee
Mawaagoo dhalaaleybaa?
ma dhibic seermo waydaa?
ma dhallaan la jecelyaa?
ma xaley ubax dhashoo?
dhagaha fidiyoo ?
ka dharqadey xareedoo?
dharabkii ku yaalbaa?
Waa dhameeys haweenoo
dhex-yarideeda madagtaa
luqunteeda dhabigaa
dhaayihii jaleecaa
dhibaatada halmaamee.
May dhiman Suleekhoo
dhulkeeney ku nooshee
tii ka dhaxashay quruxdee
nabi Yuusuf dhalayee
hanaan loo dhamaayaa.
Mawaagoo dhalaaleybaa?
ma dhibic seermo waydaa?
ma dhalaan la jecelyaa?
ma xaley ubax dhashoo?
dhagaha fidiyoo?
ka dharqadey xareedoo?
la dhacaaya qosolbaa.?
DAAWASHO HABOON
Ещё видео!