HEESTA : Sida Neefta waylaha
ERAYADA : Cabdulqaadir Xirsi Yamyam
LAXANKA: Axmed Cali Cigaal
LUUQDA: Axmed Cali cigaal
LYRICS : DHUGMAAL LYRICS
QORAALKA HEESTA (LYRICS)
✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍
Halka uu ka nuuxsado
Haddii nabar ka soo baxo
Dadku wuu nuglaadaa
Naxdintiyo jacaylkuna
Markay kugu nagaadaan
Naafaad la noqotaa
Anna Dhaga nuglaantaa
Intaan naawilaayaan
Adduunyadii ka nooge
Sida neefta waylaha
Neecawda caashaqa
Hawada ka nuugaa
————————————
Niska dhexe habeenkii
Sida nugulka oomani
Naani aan biyo lahayn
Naas laga waraabshiyo
Darka looga naadshiyo
Nacfi uga sugaayaan
Aniguba naruuriyo
Naaleeye kalgacal baan
Kaa naawilaayee
Sida neefta waylaha
Neecawda caashaqa
Hawada ka nuugaa
Ka nuugaayeey
Hawadan ka nuugaa
#dhugmaal_lyrics #cigaal
Ещё видео!