Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ka dib martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee SONNA.
Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada da, iyagoo diiradda saari doona iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka.
Booqashada oo hal maalin ah, ayaa inta uu Madaxweyne Xasan Sheekh joogo waxaa sidoo kale ay ka wada hadli doonaan madaxweyne Geelle xiriira danaha wadaagga ah ee labada dal.
Ещё видео!