Daawo muqaalkeena si aad u barato sida biyaha looga dhigo kuwo amaan eh oo la cabi karo marka ay jirto xaalad degdeg ah. Ka hor inta aysan dhicin xaalad degdeg ah. Is diyaari Biyo hel. [ Ссылка ]
--
Waa muhim inaad hesha biyo nadif eh marka ey xalad degdag eh jirto, sababtoo eh dadku waxay noolan karaan todobaadyo cunto la’aan, lakin biyo la’aan dhawr malmood kaliya ayay noolan karaan. Halkan waqooyi galbeed ee baasifiga, qof walba waxaad u bahan tahay inaad ku kaydisa guurigaga hal galaan oo biyo eh sii aad ugu noolato 14 maalmood
Tani waxay keeni karta biyaha oo aad u bato, lakin xasuusnaw waxaa wanagasn inaad biyo haysata marwalba. oo ay kugu dhicin biyo la’aan. Isticmaal weel kasta oo aad haysato oo ku kaydi biyaha ugu badan ee aad awoodid
Waxaad kalo u baahan tahay inaad haysato qalabka kaydka deg dega ee biyaha lagu nadiifiyo, si aad u nadiifiso biyo badan. Waxa waar wanaagsan eh in ay jiraan dhowr siyaabood oo biyaha lagu nadifiyo marka ay xaalad degdeg ah jirto. Waxaa muqalkan laga wada hadli doona Waxtarka iyo hab kasta oo biyaha lagu nafiyo
Waa kuwan saddex shay oo ay tahay inaad samaysa marka aad go'aaminayso nadifinta biyaha iyo inta lagaa rabo inaad ku darto Qalabka kaydka ee gurmadka degdega:
1. Mida kowaad, halkeed ka heli karta biyo badan inta lagu jiro xaalada degdega
2. Tan Labaad, Intee in le'eg oo biyo ah ayaad nadiifin karta
3. Ugu danbayn, Sideed ku nadifin karta ama nooca isku darka ah ee aad u baahan doonto inaad samayso si aad uga dhigto mid amaan eh oo la cabbi karo. Ka saarida fayrasyada, bakteeriyada, iyo noolaha waxay u baahan tahay nadiifin adag, sidii looga saari lahaa ciidda ama qaybaha kale
Haddaba, aan eegno afar siyaabood oo aad ku nadifin karto biyahaga iyo hab kasto ay tahay in la tixgaliyo
Warankiilada waa mid ka ah shayga ugu wanaagsan ee loo haysto kaydka xalada degdega, sababtoo ah waxaa loo isticmaali karaa in lagu nadifiyo biyaha. Sido kale Waxaana loo isticmaali karaa ujeedooyin sida nadaafadda. Sidoo kale warankiilada waa qimo jaban. Warankilada waxay dishaa inta badan oo xanunada halista eh iyo cudurada keena bakteeriyada, laakiin waxtar uma laha noole adkeysi badan leh sida noolaha duula , kuwa biyaha ku nool iyo xanunka ka dadho biyaha
Waxyaabaha aad ku dari karto qalabka kaydsiga waxaa ka mid ah: Warankiilada Hubi in ay tahay mid aan ur lahayn ama aan dareereynin. Warankiilada waxay lumisa awooda marki uu waqti ka soo wareego. Waxaad na u baahan doontaa inaad beddesho sanad kasta
Waxaad ku cabbirta malqacad ama dhibicda. Tilmaamaha inta warankiilo ah ee lagu daro gallonkiiba - waay kala duwan yihin biyaha saafiga ah iyo kuwa daruurta laga hooriyo. biyaha cad, ku dar siddeed qaado oo warankiilo ah halkii galan oo biyo ah Biyaha daruurta eh, ku dar rubuc qaado oo warankiilo ah halkii gallon oo biyo ah
Qaab kale oo lagu nadifiyo biyaha waa in la isticmaalo kaniiniyada sifeeya biyaha. Waxtarka kiniinnadas waxay ku xiran tahay heerkulka biyaha, heerka pH, iyo caddaynta. Sidoo kale waxay lumiyaan waxtarka ka dib marki taariikhda dhacdo ama marka la furo xirmooyinka. Hubi inaad si taxadar leh u raacdo tilmaamaha soo saaraha
Doorashada saddexaad waa in la isticmaalo qalabka Shaqsiga u nadifiso biyaha (Personal water filter)
Waxaa jira noocyo badan oo eh qalabka shaqsiga u nadifiyo biyaha (Personal water filters) Kuwaso dooran karto. qaarkoodna waxay qabtaan shaqo fiican oo eh inay sifeeyaan noolaha. Markaad dooranayso shandada raadi mid nadifin kara cadadka biyaha aad u baahan doonto. Shandayasha qaarkood waxaa loogu talagalay in uu isticmaalo hal qof, halka kuwa kalena ay si fudud u shaandheyn karaan mug sare oo biyo ah
Noocyo badan oo qalabka shaqsiga biyaha u nadifo kama saaraan fayrasyada sida caadiga ah waxa laga dex hela qashin saxarada aadanaha iyo xayawaanka. Markaad iibsato shandadada, hubi inaad raadiso filtar leh cabbir dalool yar oo ka saari kara bakteeriyada iyo noolaha yaryar
Nooca afraad waa in biyo la karkariyo. Iyadoo ku xiran tahay nooca xaaladda degdega ah, waxaa laga yaabaa inaadan heli karin shooladda jikada, taas oo ah sababta ay muhiim u tahay inaad hesho hab kale oo aad ku kululeyso biyahaaga
Karkarinta biyaha waxay dishaa cudurrada laga qaado noolaha, oo ay ku jiraan fayrasyada, bakteeriyada, iyo noolaha duula
Marka kaliya ee karkarinta biyaha aysan wanagsanayn waa haddii biyaha aad rabto inaad nadifiso ay ku wasaqoobeen kiimikooyin halis ah. Karrinta xoogga way ka saari kartaa, lakin biyaha kuwa amaan eh ma aha
Waxyaabaha aad ku dari karto qalabkaaga kaydka kuwan ayaa ka mid ah Dhariga lagu karkariyo biyaha, marada Dhariga lagu qaabto, Ilaha shidaalka sida Qoryaha dabka lagu shito, ama gaas
iyadoo aan loo eegin sida aad dooratid inaad u naadifiso biyahaaga, kaydka degdaga ee biyaha lagu daweeyo waa inay ku jiraan: maro nadiif ah sido kale waa lagu nadiifiya qayb ka mid ah biyahaaga, Weel nadiif ah, waad kaydsan karta si aad ugu nadifiso biyahaga
--
[ Ссылка ]
Ещё видео!