AABBOW HA NA DAYRIN!
Waa mid ka mid ah qasiidooyinkiisa oo Cabdulqaadir Mursal curiyey.
[ Ссылка ]
Allow ha na doorin adaa daayimee!
Aabbow ha na dayrin, dadkaagaan nahee!
1. Ibliis la dagaala, dariiqaan nahee. Aabbow ha na dayrin, dadkaagaan nahee!
2. Qofkii dulmi doona, dab naar ah gelayee. Aabbow ha na dayrin, dadkaagaan nahee!
3. Masiixa qof diiday, jinnaa la darsee. Aabbow ha na dayrin, dadkaagaan nahee!
4. Qofkii xaqa diiday, Ibliis dabrayee. Aabbow ha na dayrin, dadkaagaan nahee!
5. Masiixii daraaddeenna loo dilayow.Aabbow ha na dayrin, dadkaagaan nahee!
6. Dariiqii Shayddaanka ka soo durugnee. Aabbow ha na dayrin, dadkaagaan nahee!
7. Dhiiggaagii la daadshaa na daahiriyee. Aabbow ha na dayrin, dadkaagaan nahee!
8. Dabiibkii nafteenna ayaad noqotee. Aabbow ha na dayrin, dadkaagaan nahee!
9. Dariiqii xumaatada waan dafirree. Aabbow ha na dayrin, dadkaagaan nahee!
10. Inaad soo degaysaan diyaar u nahee. Aabbow ha na dayrin, dadkaagaan nahee!
11. Kolley ma dulloobo qof daacad ahee. Aabbow ha na dayrin, dadkaagaan nahee!
12. Dib soo noqod kaaga ma aan dafirree. Aabbow ha na dayrin, dadkaagaan nahe
Ещё видео!