Qasaali iyo Qeys
Qisada Heesta Ubaxii baxaayaay
Sannadkii 1967, Soomaaliya waxa la doortay Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaake. Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan-Cadde) ayaa xilka ku wareejiyay si dimuqraadiyad ah oo Africa iyo adduunka kalaba aysan filayn,Waxaa Kaloo Masraxa Soofuulay Maxamed Haaji Ibraahim Cigaal oo Raysul wasaare Xoog badan ahaa, Dawladaha Reer galbeedkuna aad ayey ula dhacsanaayeen Cigaal, waxuuna ahaa nin kasoo jeeday Somaliland oo la midawday Soomaaliyadii kale.
Hayeeshee, kolkii si dimoqraadiyadi ah xafiiskii u wareejiyay, aadan cade Laguma sagootin si milga iyo sharaf leh, lama marsiin Adan Cade habmaamuuskii uu mudnaa, Si taas kasoo horjeeddase waxaa lagula digtay hees isla maalinnimadii u dhacay, uu Cabdi Xaaji Gabdoon ka soo daayay Raadiyo Muqdisho. Heesta iyada ah,
Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi-Qeys), ayaa horeyba u curiyay. Hees weeye se loogu duurxulayay: foosburburkii ku yimi Madaxweyne Aadan-Cadde (AUN). Dhageyso "Ubaxii Baxaayaay," tiiyoo uu ku luuqaynayo hoobalka la yiraahdo AUN Maxamed Warsame Qasaali. Cod yaableh rag!
Ilaaheena weynbaa
Amarkiisu Fulayaa
Inaad adigu talisaad
Ayaamahaan is moodee.
Alla magane waan rabbay
Inay kugu adkaatood
cidna eersan weydee
Waa aduunyoo
ilayn aaya ma lahee
ubaxii baxaayaay
sowdigan abaarsaday
Xidigaygii aasnaa
ururkuu ku biiroo
Soo celi iftiinkoo
Ili qabatay weeyee
(Xidigu waa Cigaal) Ururka uu k7u biirayna waa Fagaarayaasha siyaasadda oo reer wuqooyi iska waayeen midnimadii kadib.
Ugu dambayn wuxuu abwaanku leeyahay.
Ila arag ax iyo way
inay urugo leeedahay
Wuxuu ula jeedaa Siyaasadda oo laysku Ciilo dhibkay leedahay.
#DHUGMAAL_LYRICS
#qasaali #maxamed_warsame
Ещё видео!