Umad dhan oo isu wada xaydanaysa iyo dhiig subax kasta sidii daadka mulacyaynaya. Bulsho gidigeed wada hubaysan oo colaad u kala tartamaysa. Dad halyeeyo ku noqday hurinta dagaalada sokeeye oo loo yaqaan geesiyaal kuwaasoo iyagoo hadh qabow jiifaa shacabka hanti iyo omos galiyay. Kuwo kale oo dhaqaale iyo maal ku bixinaya sidii gam laysaga dhigi lahaa. Waxaa kasii daran aqoonyahan caadifadu hagayso iyo dumar naxariistii laga xayuubiyay oo maleeshiyaad beeleedyada hor boodaya hadhowna isla iyagu qaxaya, barooranaya marka laysku riiqmo. Colaadan aan dhamaadka lahayni saddex magac alle guul maleh taas waa xaqiiqo aad wada ogtihiin inta aan ogayna ha ogaadaan.
Geesi ma ahan iyo halyeey toona ninka wiil soomaaliyeed diloow xaqa iyo xaqdaradu waa ay kala jiraan se macno daradan laysku xaaqay ee lagu hoogay waa uun garasho la'aanteena iyo maan-gaabnimadeena waa sidaasoo xisaab aakhirana dambayso aduunkana waligeen sidaasaynu hoog iyo rafaad deris ula ahaan doonaa hadii aynaan waantoobin, waana aynu ka qatanataan doonaa ilbaxnimooyinka dunida iyo hore u socodka bulshooyinka koonkan inagula dhaqan ee barwaaqada gaadhay.
"Ima garasho dhaantaay
Maatada gumaadaay
Walaalkeed goblamisaay
Gacalkeeda laysaay
Geerida ku faraxdaay
Gayigeeda bi'isaay
Gurigeeda dumisaay
Alaabada ka gurataay
Dad shisheeye gaysaay
Gole ibleys ka taliyaay
Umad wada guracaneey
Galbataye is daba qabo.
Codkan dhiilada leh waa ustaad maxamed xassan xuseen lafoole.
#djadam #ismaildanan #comedy #duet #music #nabadwip #peace
Ещё видео!