Ka akhriso Maqaalkan oo dhamaytiran halkan: [ Ссылка ]
1 Nabigu maalintii uu dhintay waxa islaamka kusoo hadhay sadex magaalo, waa Madiina, Makkah iyo Daa'if. Hse ahatee hadana nabigu wuxuu ku bishaareeyey inay muslimiintu furanayaan dhamaan Jaziirada Carbeed. Wuxuuna dhahay nabigu scw:
Waxaad ku duulaysaan Jaziirada carbeed waxaana idiin furaya Allah, markaasna waxaad ku duulaysaan Faaris waxaana furaya Allah, markaasna waxaad ku duulaysaan Roomaanka waxaana furaya Allah, markaasna waxaad ku duulaysaan Dajaal waxaana furaya Allah Muslim
Waxay xaqiiqowday furashadaasi xilligii khaliifkii 1 aad ee muslimiinta Abubakar alsidiiq sanadkii 11 aad ee hijrada, isagoo adeegsanaya hogaamiyayaashii ciidanka muslimiinta Khaalid ibnu Waliid, Camru ibnu Alcaas iyo Cikrmah ibnu Abujahal, waxayna Jaziiradu kusoo laabatay islaamka mudo yar gudaheed, waxaana xaqiiqo noqday xadiiskii Rasuulka (scw).
2 Nabigu waxa kale oo uu ku bishaareeyey in muslimiintu furanayaan dhulka Faaris ee Ciraaq iyo Iiraan, wuxuuna yidhi;
لئن طالت بك حياة لتفتحن كنوز كسرى قلت: كسرى بن هرمز؟ قال: كسرى بن هرمز.
hadii cimrigaagu dheeraado (Cadiyoow) waxa la furanayaa kansiyada Kisra, waxaan idhi; ma Kisra ibnu Hurmuz? wuxuu yidhi; Kisra ibnu Hurmuz.Bukhaari.
Bishaaradanina waxay xaqiiqowday markii muslimiintu furteen dhulka Faaris, ayagoo guushaas ay ukala danbeeyeen Abubakr iyo Cumar, ayagoo adeegsaday seeftii Ilaahay ee galka la'ayd Khaalid ibnu Waliid iyo Sacad ibnu abu Waqaas oo ahaa saxaabigii gacantiisa ku furtay qasrigii Kisra ibnu Hurmuz.
Ещё видео!