Haddii la isqadariyaay murtidu qiima leedahaye.
Qasadkiyo ujeedaduna way qiima galiyaane.
Sidaad ugu qotomisay nafluhu ugu qashuucaane.
Munaasabadda lagusoo qadimo kama qatoodaane.
Suugaantu waa qayb kamida qalabka Taariikhda.
Qoraaladuna kaba qiima badan mana qarsoomaane.
Qof waliba wuxuu noo qabtiyo qaladkuu noo gaystay.
Diiwaanno qaranbaa jiroo loogu qorayaaye.
Nin quraarad calashoo dajiyey qoomanee abidee.
Qarniyada danbaa kugu lacnada ficika qaarkiise.
Hadaad qaranka kala gooyn lahayd quruxso taariikhda.
Qarni waliba cudur qaasohoo qaybiyaa jiraye.
Soomaalida belaa loo qoree qalnka loo saareey.
Wax qabiil kadaran jahamaan qiray aqoontayda.
Qadartaana iga hiiisaye qolo ma sheegteene.
Qof qalbigi qabyaalad iyo diin qaadikariwaaye.
Uma qaybsamoo meel unbuu qac uga siiyaaye.
Ma anaa quraankiyo kataga qawlka nabigeenna.
Qatli muumin ma anaa hubkiyo qarash ku taageera.
Qabrigayga ma anaa gatoo qubaya diinkayga.
Ma anaa qabiil doorbidoo qaranka aafeeya.
Qof muslima qabyaalad udiloon ficil iyo qawl gaysan.
Qasadkiyo ujeedaduna tahay lagu qisaasaayo.
Qabiilkaa muxuu uga dhashee qaadir uga yeelay.
Qof kastoo kaqaybqaata ama qarash ku taageerraa.
Nafta goorta laga qaadayoo laga qibloonaayo.
Qar-qarada dhuun-yeeriskiyo qaraw lataahiidka.
Qacbaa loogu siiyaa jiibka loo qoraye.
Diiwaanka qalinku ugu dhacay qoomamee abide.
Qiso murugo iyo yaable baan soo qadimayaaye.
Qaraabo iyo ehel riximnimaa loo qadariyaaye.
SUBSCRIBE OUR CHANNEL FOR MORE UPDATES
Ещё видео!