HABKA DIFAACA FIICAN.
shaaha rinjiga waxaa kujirta walaxda alkylamine oo ah walax soo saarta ficil celin kadhan ah waxyaabaha khatarta u keeni kara difaaca jirka
ee kaimaanaya banaanka.sidookalana shaaha bigayskaa waxaa kujirta aashatada Tannins taasoo leh awooda ah in ay ladagaasho virus-yada
kana ilaalisa hargabka,hargab calooleedka iyo virus yada kale ee nuucaana ah ee saameeya nolol maalmeedkeena.
TIRTIRIDA MAADOOYINKA AAN WALI FALGALIN
Maadooyinka aan wali falgalin(free radicals) waxay jirka u keeni karaan khataro badan sida cancerka,atherosclerosis oo ah
xanuun ay xayri isku xeendaanbto gudaha xididka iyo waliba dhiiga oo xinjirooba.markii uu shakhsigu isticmaalo cuntooyin aysan sixadoodu fiicnayn,
waxaa kor u ziyaadaya maadooyinka aan wali falgalin.shaaha rinjiga ahna waxaa kujirta maadada antioxidant oo ah mid kailaalinaysa in uu oxygen ku
uu iskulaalo chemicals jirka si uu ooga dhigo oxidants sidoo kalana kailaalis xanuuno badan ee jirka.
CAAFIMAADKA AFKA.
cabidda shaaha rinjiga ah wuxuu dilaa virus yada afka maada catechin antioxidant ee laga helo shaaha rinjiga ah waxay hoos udhigtaa fursada cancerka afka.
shaaha rinjiga ah wuxuu yareeyaa carotaanka bacteriada sababta saabka.sidookale waxaa kujira fluoride kaasoo ladagaalama af urka kana ilaalisa ilkaha suuska.
CANCERKA NAASAHA.
cabidda shaaha rinjiga ah waxay haweenayda kailaalinaysaa in cancer uu kudhasho naaska gaar ahaan haweenayda aan wali gaarin
da`da ilmogoyska(pre-menopausal phase). bigaysku wuxuu caawiyaa kor uqaadida heerka hoormoonada globulin ee xili caadeedka dhadiga.
sidoo kale shaaha rinjiga ah waxaa kujira maadooyinka kale ee at kamidtahay theaflavins taasoo burburisay unugyada aan caafimaad qabka ahayn.
KICINTA MISKAXDA IYO HABDHISKA NEERBAYAASHA.
shaaha rinjiga ah waxaa kujirta maadada caffeine oo heerkeedu uu hooseeyo markii loofiiriya cofeega. heerkaan hooseeya ee coffin ka wuxuu horseeda
socdaalka dhiiga dhaamaan unugyada miskaxda ayadoo ay kareebantahay wadno garaac.
waxaaseb u sii dheer feejignaan iyo kafiirsasho.
Amino acidka L-theanine ee laga helo shaaha rinjiga ah wuu kaacaawinayaa inaad nasato awoodna aad saartid shaqo maalmeedkaaga.
baaritaan lasameeyay ayaa lagu ogaaday isticmaalka badan ee shaaha rinjiga ah inuu kahortago xanuunka (Parkinson`s disease)
oo ah xadadla`aanta iyo isdheelitirla`aanta miskaxda qofka.
CAAFIMAADKA WADNAHA.
shaaha rinjigaa waxaa ku badan antioxidants sida flavonoids oo ka ilaaliya oxygen inuu isku laalo cholestrolka nuuca LDL (low density lipoproteins
)kana hortaga cilad kahortimaada socdaalka dhiiga iyo duleelada xididada hoosna u dhigaysa khatar xaga wanaha.
sidookale tijaabo lasameeyaya ayaa lagunogaaday flavonoidka kujirta shaaha rinjigaa inuu socodsiiyo dhiiga faaroobay
kanadhiga dhiiga midxawaarihiisii caadiga ah kusocda.
Ещё видео!