Waa maxay calaamadaha lagu garto howlgabka qanjirka thyroid-ka?
Calaamadaha la dareemo waxay ku xiran tahay heerka uu marayo xanuunkaaga, hadduu xanuunka uu muddo ku hayay waxaa dareemaysaa calaamado ka duwan markii uu kugu cusub yahay.
Calaamadaha oo la dareemo waxaa ugu horreeyo:
1- Caajis iyo daal (haweenka qaarkood, daal iyo tabar darri awgeed, markay xoogaa socdaan waa in ay nastaan oo ay fariistaan!!)
2- Qabowga oo aad dhibsatid ama xilliga qaboobaha oo caajiska aad kuugu bato.
3- Calool-fadhi
4- Miisaankaaga oo kordho adigoo aanan cunin cunto badan
5- Wajiga oo ku bararo ama aad dareento inuu buuxsan yahay ama daamankaaga ay buufsan yihiin.
6- Codka oo xabeeb yeesho khaasatan subaxyadii hore (dadkaan waxay isku arkaan dhuunta oo bararan)
7- Murqo xanuun iyo tabardarri aadan si sahlan fadhiga uga istaagi karin illaa inaad wax qabsato ama aad afarta ku kacdo mooyee.
8- Kalagoysyo xanuun ama barar
9- Caadada oo kaa wareerto ama siyaado noqoto socodkeeda.
10- Tinta oo khafiifto ama inay kaa go'go'ayso aad dareento
11- Maqaarka jirkaaga oo boor boor yeesho ama qallayl noqdo
12- Hilmaan aadan horay u qabi jirin iyo caajis maskaxda ah.
13- Dilan soo noqnoqdo ama haweenta oo uur yeelan wayso wuu keenaa xanuunkaan.
13- Qanjirka oo soo kuusto ama bararo, qofkane uu dareemo in dhuunta laga ceejinayo. (xanuun-ka howlgabka qanjirka qasab uma ahan in qanjirka uu bararo). dadka badankood xanuunkaan ayay qabaan iyagoo dhuunta wax barar ah ku lahayn.
Haddii aan la daaweyn, calaamadahaan way ka sii dari karaan oo qofka way ku xumaadaan oo waxaa dhici karto inay heer kale isku badasho oo cadaadiska dhiigaaga hoos u dhaco, neefsashada ku dhibto, heerkulka jirkaaga uu dhaco oo xitaa ay dhici karto in aad coma "suuxdin" gashid. laakiin maahan arrin badanaa la arkaa.
Waa maxay howlgabka Qanjirka Dhuunta Ee Thyroid Ka (Hypothyroidism) Part 1?
👇👇👇👇
[ Ссылка ]
Wixii su,aalo commentiga hoose.
Ещё видео!