#like#subscribe#share#
Infectionka ku dhaca kaadi mareenka wax ka ogow.
Infectionka ku dhaca kaadi mareenka waa mid si joogta ah lagu arko bulshada soomaaliyeed ha ugu badnadaan dumarka taasna waxaa u sabab ah xubinta taranka ee isku xirto kaadi mareenka iyo xubinta gabadha oo gaaban halka midda ragga tooda ay dheer tahay.
Astaamaha lagu garto infectionka kaadi mareenka ?
●Dhabar xanuun.
●Kaadida oo ku gubta.
●Shiir ka imaada xubinta taranka
●Xanuun xilliga galmada
●Dhecaan ur leh
●Midibka kaadida oo is badala
●Gumaar xanuun una badan qeybta hoose.
●Kaadida oo aadan xajin karin.
Maxaa lagu daweyaa infectionka kaadi mareenka ku dhaca ?
Sida aan kor ku soo sheegay xanuunka kaadi mareenka waa xanuun sameyn ku leh bulshada dhaxdeeda waana xanuun calamadiihisa horey la garan ogyahay
Haddii la ogaado in uu yahay UTI oo loo soo gaabiyey Urinary tract infections ahna xanuun ku dhaca kaadi mareenka waa in lagu daweyaa Antibiotics oo aad qaadid 7 cisho ilaa 14 cisho go,aankaasna waxaa iska leh dhakhtarkaada.
Sidoo kale waxaa waajib kugu ah in aad si joogta ah u qaadatid dawada oo aadan kala jarin,Haddii aad leedahay lammaano waxaa sidoo kale waajib asagana ku ah in uu kula qaato dawada si loo ciribtiro infectionka.
Sidoo kale waxaad ku daweyn kartaa diinsiga,toonta,sanjabiisha,malabka iyo liin dhanaanta waxyabahan oo idil waxaa ku jira maddooyin la dagaalama infectionka iyo wixii la mid ah.
Fiiro gaar:Astaamaha kor ku qoran haddii aad isku aragtay la xariir dhakhtarkaada ama kan ku dhawo si lagu siiyo dawooyin kugu habboon
Fadlan nagu soo biir si aad uga mid noqoto dadka ugu horeeya ee ka faaiidaysta talooyin caafimaad# like dheh mahadsanid
Akhriste waxan rajaynayaa in aad wax badan ka faaiiday qormadan hadaba ha hilmaamin in aad sii gaadhsii so asxabtaada iyo bulshada kale si ay uga faaiidaystan
La sii wadaag asxaabtaada qormadan siina faafi #SHEER dheh mahadsanid
Ещё видео!