Dhamaan Umadda Islaamka ee Caalamka daafihiisa ku nool, ayaa qaabilaya Bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo sanad walba hal mar soo gasha, kana faa’idaystaan Muslimiintu.
Inta badan Wadamada Islaamka, ayaa laysku raacay inay Maalinta Sabtida oo ay bisha April tahay 2 Taariikhda Milaadiga, Bisha Ramadaan ay tahay Kow (1 Ramadaan).
Waa Maxay Ramadaan?
Ramadaan waa mid kamida tiirarka Islaamka ugu waaweyn, Waana Bil Cibaado oo ay dadka Islaamku uga faa’idaystaan Cibaado iyo alle bari iyo acmaal kale oo nololsha u wanaagsan. Waxa laga soomayaa inta ay cad-ceedu soo jeedo cuntada, cabista, Galmada iyo ficilada kale ee buriya soonka, waxaanay dadku aad u badiyaan akhriska Qur’aanka oo kamida fadliyada laga helo Bishan.
Waa Bil alle addoomihiisa u sameeyey degenaanshiyo iyo inay ku farxaan gudashada waajibaad kamida arkaamta islaamka.
Sida uu alle qur’aankiisa ku sheegay Bisha Ramadaan ‘waxa la xidhaa Cadaabta, waxaana la furaa Albaabbada Janadda’, sidoo kalena waxa uu alle ka xidhaa Addoomihiisa Shaydaanka, waxaana qof waliba dareemaa naxariis dheeraada oo uu alle u gaar yeellay bishan.
🎯Subscribe #Dirir #Ramadaan #muxaadaro
🏆Like
🎖Share
Thank You for watching.
Ещё видео!