Heesta: Bali Ilaali Bal
Erayada: Cabdi-Qays
Muusiga: Xasan Xiddig
Luuqda: Cabdiqani Kaarshe
Xusuustii: Axmed Mooge
Soosaaristii: Cali Ileeye
CONNECT WITH CALI ILEEYE
Facebook Link: [ Ссылка ]
Website Link: [ Ссылка ]
Twitter Link: [ Ссылка ]
Instagram Link: [ Ссылка ]
Erayada
(1)
Ma ogtahay amaanada
Cirkan aad arkaysiyo
Dhulkanaa ka ooyoo
U adkaysan waayee.
Adiguna naf idil baad
Oogada ku qaaddo
Adhaxdaada saartee.
Bal ilaali bal
Bal ilaali ajashaa
Aakhiro dhib weeyoo
Kama eed baxayside.
(2)
Ma ogtahay aniyo adi
Axdi baa u dhexeeyoo
Ma ogtahay midkeennii
Oofin waaya wacadkaa
Ifkoo lagu kadeediyo
Abaalkiisu waa naar
Abu Jahal agtiisee.
Bal ilaali bal
Bal ilaali ajashaa
Aakhiro dhib weeyoo
Kama eed baxayside.
(3)
Ma ogtahay haweenkiyo
Hablaha aynigaagiyo
Asaagaaga oo badan
Ayuun buu ayaan qudha
Uurkayga gabadh yahay
Rabbi kugu abuuroo
Keli kuu ahaatee.
Bal ilaali bal
Bal ilaali ajashaa
Aakhiro dhib weeyoo
Kama eed baxayside.
Ещё видео!