Nabad, qofkasta ayaa qaadi kara Coronavirus. Waa muhihiim in aad ogaatid waxyaabaha aad ku yarayn kartid fiditaanka coronavirus. Had iyo jeer gacmahaaga meydh, ugu yaraan 20 ilbidhiqsi, intaada awoodid iskana ilaali inaad taabatid wajigaaga gaar ahaan sanka, afka iyo indhaha adoonan gacmaha meydhin. Ha booqan dadka qoyskaaga ah ama saaxiibada hadey bukaan iyo hadii kaleba. Hadaad xanuunsatid guriga joog oo ha u bixin meelaha dadweynaha. Weydiiso saaxiib ama qof qoyska ka mid ah inay kaa caawiyaan waxyaabaha ay ka mid yihiin soo iibsashada raashinka ama soo qaadashada dawada. Haddaad u baahantahay inaad baxdo, iska ilaali meelaha dadku ku badanyihiin kana fogow 2 mitir dadka kale.
Dad ka mid ah bulshadeena ayaa khatarta sare ugu jira feyraska. Haddii aad ka weyn tahay 70 jir, guriga joog. Ilaali waalidiintaada ama awoowgaa/ayeeydaa adiga oo nan booqaneyn; laakiin ka warhay, waanad ku xidhnaan karaysaa adigoo teleefan kula hadlaya ama WhatsApp ama Facetime. Si dan waxaad ula xidhiidhi kareysaa ehelkaaga iyo asxaabtaada si aad u ogeysiiso inaad ka fikireyso iyaga. Wada hadal yar ayaa isbeddel weyn sameyn kara.
Haddii aad la nooshahay qof 65 jir ka weyn ama qof qaba xaalado caafimaad, tilmaamahan raac si aad uga caawiso iyaga xagga ilaalinta:
Ka ilaali in ay wakhti badan ku bixin meelaaha aqalka leyskugu yimaado sida fadhiga, jikata ama madbakha; Fur daaqaadaha si hawo nadiif ah ay u soo gasho. Hadday jecel yihiin wax-karinta, qorshee inay wakhti gaar ah jikada wax ku karsan karaan;
Hadday suurtagal tahay, waa inay seexdaan qol gaar ah.
Haddii musqulaha la wadaago, hubi in qof waliba nadiifiyo markuu musqusha ku dhameysto intaanan qofka kale galin ama qofka aad ilaalineysid ha hor galo musqusha.
Waan fahamsannahay inay ku adkaan doonto dadka qaarkood inay iyagu gooni isaga soocaan kuwa kale ee guriga jooga, laakiin isku dey in aad sida ugu fiican sameysid; Gacmaha iyo meelaha ugu taabshada badan sida albaaka Meesha la qabto ama Meesha nalka laga shido iska nadiifi.
Macluumaadku wuu isbedelayaa maalin kasta. Booqo Caafimaadka Dadweynaha Ottawa ama Ottawa Public Health si aad ula socota macluumaadkii u dambeeyey. Warka saxda eed ogaatid la wadaag bulshada anaan fahmey. Ka warhay waxa ka dhacaya bulshadaada dhexdeeda si aad u ogaatid is badalka dacaya hadey tahay sidaad cuntada u iibsanleyd ama halka carruurtu ku ciyaari karto. Hubi inaad fahanto oo aad si ammaan ah u raacdo tallaabooyinka si aad u difaacdo naftaada iyo qoyskaagaba.
Raac Xidhiidhkan ama websiteka kuu muuqda si aad ula socotid warkark u dambeeyey ee cornovirus su saabsan ama caafimaadka Maskaxda. Waxaa sidoo kale lagu heli karaa luqado badan.
Is badbaadi oo ogow inaan dhammaanteen u wada joogno arrintan.
Caafimaadka Dadweynaha Ottawa (ku ciyaaridda shaashada)
o Macluumaadka ugu dambeeyay ee COVID-19 [ Ссылка ]
o Caafimaadka Maskaxda & COVID bogga loogu talagalay liiska agabyada caafimaadka maskaxda www.ottawapublichealth.ca/covidmentalhealth
o COVID-19 Agabyada Luqadaha badan [ Ссылка ]
o Sidee ayey Caafimaadka Dadweynaha Ottawa kuu caawin kartaa? Iimayl u soo dir OPHEmergLiaison@ottawa.ca
Ещё видео!